Video:-halkee maraysaa dhismaha wadada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo

Dhamaan Qalabkii loogu baahnaa dhamasytirka Wadada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo,ayaa yimid iyadoo maalmaha soo socda si toos ah uu u bilaaban doono wajigii ugu danbeeyay ee dhamaystirka wadadaas.

Qalabkan waxaa ku jira kii daamurka isku qasi lahaa,isla markaana saari lahaa wadada…
Waxaa xusid mudan, tan iyo markii Mashruuca la bilaabay ee 01/10/2016, in Guddiga Mashruuca ay u’hirgaleen:-

1. Dhamaystirka wejigii koowaad ee Waddada oo dhereekeedu dhanyahay 90KM, Ballaceeduna yahay 9M.
2. Soo ‘ iibinta Qalab iyo Gaadiidka Noocyadiisa kala duwan oo qiimihiisu dhanyahay $2.5 Million, oo ah Hanti Ummadda Reer Puntland ay leedahay.
3. Shaqa u’abuurid Xirfadlay gaaraysa illaa 120 qof.

Wadada Ceel-daahir iyo Ceerigaabo waxaa lahaa fikirkeeda iyo dhismaheeda Madaxweyne Gaas…

Gobolka Sanaag ayaan wax wadaa oo dayactiran yeelan abidkiis guud ahaan maamuladii Puntland soo maray iyo kuwii ka horeeyay ee Dowladii dhexe ee Somaliya,ayaan waxba ka qaban dhulkaas.

Baaqii Madaxweyne Gaas ee ahaa Puntland ha isku tashato guul baa lagu gaaray la taaban karo,waxaana guud ahaan Puntland Deegaamada ay ka kooban tahay ka hirgalay mashaariic fara badan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka