Video:-kenya oo ku dhawaaqday hawlgal ka dhan ah ajaanibka sharcidarada ku jooga dalkeeda

Kenya oo ku dhawaaqday in ay bilaabayso hawlgal ay ku raafayso ajaanibta dalkeeda sharcidarada ku joogta sida uu saxaafada usheegay Wasiirka arimaha gudaha Kenya…

Wasiirku waxuu sheegay in Kumanaan ajaanib ah oo dalkiisa ku jooga sharcidaro uu hawlgal saamayn doono,sidoo kale kooxaha ka ganacsadaha daroogada iyo maandooriyayaasha kale ayuu tilmaamay in uu saamayn doono hawlgalku.

Warkan waxuu niyad jab iyo walwal ku beeray ajaanib fara badan oo dalkaas ku dhaqan kana xamaasha.

Bulshada Somaliyed oo iyadu ah mida ugu saamaynta badan dhanka ganacsiga,ayuu wal wal ku beeray dhawaaqa Wasiirka arimaha gudaha Kenya.

Dad badan ayaa qaba in hawlgalkan uusan waxbadan kusoo siyaadinayn amaanka Kenya iyo la dagaalanka daroogada,balse uu siinayo Boolsika Kenya hanaan ay ku baartaan dadka ajaanibta ah ee ku dhaqan dalkaas.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka