Laami saaridii Wadada Gaalkacyo iyo Garowe isku xirta oo si rasmi ah ubilaabatay

Shirkadda Isxilqaan ayaa maanta bilowday in ey Laami saarto qaybo ka mid ah Laamiga Gaalkacyo iyo Garoowe, xilli dhawaan hay’ada GIZ  iyo dowlada Jarmalku ay shaaciyeen in ay joojiyeen mashruucii dhismaha wadadaas.

Gudoomiyaha Isxilqaan, Nabad doon Khaliif Aw Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa yiri,“Jarmalku 10% wax ka yar bay bixiyeen, haddana loo dhutin mayo, jidkana waa la dhisayaa oo dad iyo dowlad buu leeyahay”.

Dhismaha Wadadan oo markii horeba qorshuhu ahaa in dib loo dayactiro 80-km oo ka mid ah Wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garowe,ayaa waxaa hada ku biwloday saaridii laamiga 40-km oo ka mid ah 80-kaas.

Talaabadan ayaa ah mid ay ku farxeens hacabka Puntland oo markii hore ka niyad jabay warbxintii ay soo saartay hayada GIZ iyo safaarada Jarmalka ee Nairobi.

Halkan ka daawo sawirada:-