Seneterada Aqalka-sare oo ka baaqday ka qaybgalka xaflada furitaanka kalfadhiga baarlamaanka

KODAK Digital Still Camera

Gudiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho,ayay uga hadleen sababta ay ugu qeyb gali waayeen furitaanka kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka fadaraalka Soomaaliiya,waxaa ayna ku tilmaameen mid nasiibdaro ah iyo khalad ka yimid dhanka Gudoonka Golaha shacabka .

Seneterada Aqalka-sare,ayaa ka carooday fariimo iska hor imaanayay oo loo soo diray,kuwaasoo qaarna ku wargalinayeen in uu furitaanka kalfadhiga 4aad ee labada Aqal ee baarlamaanka fadaraalka Somaliya. uu beri furmi doono,halka fariin kalena ay ku wargalinaysay in uu dib udhacay furitaankii kalfadhiga labada Aqal ee baarlamaanka.

Fariinta loo diray Seneterada Aqalka sare ayaa uqornayd sidatan:-

”Dhamaan Seneterada Aqalka-sare waxaa lagu wargalinayaa in furitaankii Golaha Aqalka-sare ee ku astaysnaa Beri uu dib u dhacay,fariinta kale ee idin soo dhacday waa mid khaldan oo ku kooban Xildhibaanada Golaha shacabka,wakhtiga kale ee furitaanka Golaha dib ayaan idinku soo sheegi doonaa”.Mahadsaniddin.

Sidoo kale fariinta loo diray Xildhibaanada golaha shacabka ayaa uqornaa sidatan:-

”Beri oo isniin ah Tr 10/09/2018,waxaa qabsoomaya kulanka furitaanka kalfadhiga 4aad ee baarlamaanka fadaraalka labadiisa Aqal.(Golaha shacabka iyo Aqalka-sare ),saacadda 09;00 am.goobta (Akadeemiyada Booliska Jeneral Kaahiye (Scoule Polizia)”

Dhanka kale Kulanka gudiga joogtada ee Aqalka sare ayay walaac ka muujiyeen xaalada murugsan ee siyaasadeed,mida amniga iyo nidaamka federaalka.

Ugu dambeyntii xubnaha gudiga ayaa waxaa ay go’aamiyeen in aqalka sare ay xal ka gaarayaan arimaha Nidaamka federaalka.

Dhacdadan maanta dhacday ayaa sii murginaysa xaalka dalka ee awalba cakirnaa iyo wada shaqayn la’aanta hay’adaha dowlada oo horayba uliitay.