Faallo:-Hogaamiyaha sirdoonka Puntland isa sharixidiisu mahan mid fudud..WQ.J.Qoobey.

40-jirka yaraanta ku hana qaaday ee leh taariikh loo hakankaro ee hogaamineed iyo mid difaac in uu hankiisu gaaro Madaxweyne hadii laga fogaado cudurka quuriwaaga waxuu mudan yahay soo dhaweyn.

Sidoo kale Wiilkaas yaraanta ku hana qaaday ee kasoo jeeda qoyska caanka ah ee leh taariikhda halgan waxuu mudan yahay bogaadin hankiisa sareeya.

Sida aan kasoo xigtay Dadka sida fiican u yaqaan astaamaha ay ku tilmaameen oo lagu daray muuqaalkii maanta ee waxa badan laga akhrisan karay iyo waliba khudbadisii koobnayd,waxaa la oran karaa macno,ayaa ku jiray is qarintsii uu caanka ku ahaa.

Puntland sharaf bay u tahay dhalinyaradeeda in ay halkaas gaari karaan sidaana u yihiin hormuud hibaalayaal badan ay ku dhex jiraan.

Asad inkastoo uu soo hogaamiyay hay’ad muhiim ah iyo Ciidan hadana si dhab ah waxaa loo arki doonaa hibadiisa in ay tahay tii mudnayd hadii wakhtigu saacido oo uu nasiib u yeesho galida Villa-da barakaysan ee Garowe.

Ilaa iyo hada musharaxiinta isku soo taagay xilka Madaxtooyo ee Puntland waxaa la oran karaa waa masuulka Madaxweyne Gaas-ka talada haya lana rajaynayo in uu dib isku sharaxo isku dayiga kara in uu la goosgoosto Asad Cismaan Diyaano.

Hankiisa in uu gaaro,ayaan urajaynayaa anoo ku tixgalinaya hanaqaadnimadiisa aan la inkiri karin.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka isa sharaxida mudane Asad