Video:-Dowlada Xamar oo joojisay siminaar usocday Xisbiga wadajir

Ciidamo Boolis oo ka socda Dowladda Federaalka ayaa Hotel Maka Al-mukarama oo ka mid ah Hotelada caanka ah eek u yaalo Muqdisho oo Al-Shabaab labo jeer ay weerareen.

Tallaabadan ayaa ka danbeysay ka dib markii Hotelka uu maalmahan ka socday tababar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee Kaadirka Xisbiga Wadajir.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa arrintaan cambaareeyay,wuxuuna ku tilmaaay iney tusineyso mid kooxda talada dalka heysata lahayn aragti iyo fikir.

”Waxaa amar ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo lagu xiray Hotel Makka Al-mukarama oo maalmahan uu ka socday tababar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee Kaadirka Xisbiga Wadajir”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

”Booliska Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay nabadgelyada ilaaliyaan, sharcigana dhowraan ayaa cabburin, cagajuglayn iyo cadaadis dano shakhsi ah loo adeegsaday. Waxaa ii muuqata in kooxda talada haysataa aysan lahayn aragti iyo fikir ay dadka ku qanciyaan, waxay naf bideen qori iyo qalalaase”ayuu yiri Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka