Video:-Doorashada Dani oo shacabku dareen feejigan kusoo dhaweeyeen

Waa dhab in aysan Dad badan aysan u arkayn Madaxweynaha la doortay Siciid Cabdullaahi Dani masuulka ku haboon hogaaminta Puntland xiligan.

Balse wax walba waxay isbadaleen markii la yaqiinsaday in uu yahay shaqsiga uu nasiibku usiiyay in uu noqdo Madaxweynaha 5-ta sano ee soo socota Puntland hogaamin doona.

Madaxweyne Dani markaas waxii ka danbeeyay waxuu xaq u yeeshay in la siiyo maamuus Madaxweyne,tixgalin gaar ah,la shaqayn buuxda iyo xil wareejin qurux badan oo dhamaystiran,

Sidoo kale laga bilaabo saacadii lal doortay talada Puntland in looga danbeeyo ayuu xaq u yeeshay.

Waxaa xusid mudan in Dadka intiisa badan ay kusoo dhaweeyeen dareen aamusnaan feejignaani la socoto.

Inta mudan bulshada Qofkaad waydiiso waxuu kuugu jawaabayay waa eegaynaa sida uu u dhaqmo una maareeyo xaalka.

Madaxweyne Dani waa Nin degan,akhlaaq wanaagsan,aragti fiican,,balse dadku aysan u arkayn hogaamiyihii xiligan.

isku soo wada duuboo waxaan eebe weyne uga baryaynaa in uu noqdo hogaamiye guulaysta feejignaanta laga qabana ubadala kalsooni fadhida…

Halkan ka daawo muuqaalka