“Dhacdo cajiib ah”Nin Xaaskiisa cunay baahi daraadeed

Dhacdo Yaab Leh !

Wuxuu yiri labo kamid ah afarteyda xaas ayaan cunay oo waan is celin waayey gaajo aawadeed.

Nin Sucuudi ah iyo laba ka mid ah afartiisii ​​Xaas ayaa ka badbaaday kaddib markii uu galay shil Baanuur iyagoo saxaraha kujiray 13 maalmood.

Mustafa Ali Hamad, oo 41 jir ah, iyo afartiisii ​​Xaas waxay u safreen qaraabo salaan magaalo u dhow Ash Shalfa kadib wadadii saxda ahayd ee ay u socdeen ayay ka dhumeen Aakhirkiina baabuurkii ayaa la gadoomay Shilkaasna midka mid ah xaasaskiisii ayaa ku dhimatay.

Saddex maalmood markii kulayl , qorrax, biyo iyo cunto la’aan joogeen ayuu Hamad go’aansaday inuu u diro laba xaasaskiisii kamid ah caawimaad si loogu soo gargaaro oo loo badbaadiyo isaga qudhiisu ma awoodin inuu sidaas sameeyo cayil aawadiis ma socon karin !

Toban Maalmoid kabacdi ayaa loo yimid isaga kaligii oo nool cunayana labadiisii xaas maydkooda.

“Waxaan rajeynayaa in Allaah iga cafiyo cunista labadeydii gabdhood ee dhintay, laakiin anigu ma xakameyn karin nafsadeyda oo waan gaajooday,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in xaaskiisa kale ay maalintii lixaad dhimatay markii ay diiday iney la cunto xaaskii shilka baabuurka ku dhimatay, sida uu wariyayaasha usheegay.

Xamaad wuxuu hadda ku jiraa daryeel caafimaad oo degdeg ah maaddaama dhakhtarradu ka baqayaan xaaladdiisa miisaanka culus iyo sonkorta (diabetes) oo laga yaabo inay culays weyn ku yeeshaan wadnaha iyo xubnaha muhiimka ah.

Dhakhaatiirta ayaa sidoo kale la yaabay Xamaad inuusan lumin miisaankiisa 13-kii maalmood ee la soo dhaafay, laakiinse waxaaba ku kordhay afar KG oo dheeraad ah.

Markan oo kale soomaalidu waxay oran jirtey “Baahi Bakhti looma Cuno “