Wasiir qirtay in uu cunay lacag ka badan mushahaarkiisa

Wasiirkii hore ee Boosatada iyo Isgaarsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo warbaahinta la hadlay,ayaa sheegsy in uusan xil danbe qabanayn.

Mar uu ka hadlay sababta uusan u dooneynin in uu xil danbe ka qabto Somaliland ayuu yiri

“’ Annigu wax la qariyo ma’aqaan, xanuunno aan ka qaaday tii hore ayaan dawadoodii la tacaalayaa, maxaa yeelay waxaa lagu leeyahay xil wasiir ayaa heysaa, mishaarkaagu marka leysku dardaro waa wax la eg $ 1500 oo dollar, kaddibna waxaa lagu dhiibiyaa miisaaniyada ay ku qoran yihiin lacago la doonayo in howlo gaar ah lagu qabto, lacagta intaa la egna marka aad eegto xaalada wadanka iyo baahida jirta dee’ kuma kaafiyeeyso’’.

Wuxuu intaa ku darray in markii uu iska shakiyay caafimaad ahaa u tagay dhakhtar ‘’ Markaan sannad shaqeeyay waaban xanuunsaday dhakhtar baan tagoo dhakhtarkii wuxuu i yiri kalliduu dhagax kaaga jiraa yaabay.

Sannadkii labaad waan xanuunsaday dhakhtar baan tagoo wuxuu igu yiri dhiig-kar baad qabtaa.

Sannadkii saddexaad baan shaqeeyay waan xanuunsaday dhakhtarkii baan tagay waxuu igu yiri wadnahaagu si wannaagssn uma shaqaynayo,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka