Muuqaal:-Somaliya oo markale difaacatay booskeedii musuqmaasuqa Ee Caalamka

Warbixinta sanad laha ah ee ay soo saarto hay’adda dunida u qaabilsan qiimaynta hufnaanta ee loo yaqaan (Transparent International) ayaa tilmaamaysa in :

1- Soomaaliya ay sidii caadada ahayd sanadka 2018 difaacatay booskeedii ahaa dalka ugu tuugsan dunida iyada oo haysata 10/100, waxaa ku soo xiga Suuriya 13/100, South Sudan 14/100, Yemen 14/100 iyo North Korea 14/100. Marka laga yimaado North Korea, dhammaan wadamada kale waa kuwa uu halakeeyay dagaal sokeeye oo aan lahayn hay’ada dawli ah taabbo gal ah.

2. Waxaa ilaa 4 dhibcood lumiyay oo hoos u dhac ku yimi Maraykanka oo wax ka yar 71/100 , waxa uuna lumiyay kalaintii uu ku jiri jiray ee ahayd inuu ka mid yahay 20 ka dal ee ugu musuqa yar dunida (Trump khasaarooyinka uu keenay uu usoo jiiday dalka dunida ugu awoodda badan ayay ka mid tahay tani).

3. Ugu yaraan 7 dal oo dunida ah ayaa horumar sameeyay oo ay ka mid yihiin Estonia, Senegal, Guyana and Côte D’Ivoire.

3- 16 dal ayaa hoos u dhac ku yimi kuwaas oo ay ka mid yihiin Australia, Chile, Malta, Hungary iyo Turkey (wadamadaan ilaa 9 dhibcood bay lumiyeen).

4. Wadamada ugu musuqa yar ayaa kala ah Denmber (88/100), New-Zealand (87/100), Findland (85/100), Singabore (85/100), Sweden (85/100), Switzerland (85/100).

Waxaa wax laga naxo ah inaan hal dal oo Muslim ah ku jirin ama soo gelin 20 ka dal ee dunida ugu tuugada yar, waana ceeb haysata Muslimiinta , tusaale na u ah in aanay ku dhaqmin axkaamta diinta Islaamka ee mamnuucaysa xatooyada hantida qaran oo Islaamku u yaqaan MAALKA ALLAAH ee aan xaqdarro lagu cuni karin.

WQ.Salim S.Salim.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka