Shacabka Garoowe oo ka hadlay Magacaabista Golaha Wasiirada Puntland (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Shacabka ku dhaqan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, ayaa Fariin ku aadan dhismaha Golaha Wasiirada Cusub oo la filayo in Saacadaha soo socda lagu dhawaaqo u diray Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Shacabka Garoowe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Deni in uu soo dhiso Gole Wasiiro oo Kooban, Sidoo kalena tayo badan, maadama Puntland ay haatan ka jiraan Xaalado adag oo u baahan Shaqo badan.

Shacabka ayaa xusay in Dhismaha Golaha Wasiirada Cusub ay tijaabo u tahay waxa laga filan karo Xukuumadda Madaxweyne Deni shanta sano ee Muda xileedkeeda ah, Iyagoona ku booriyay Madaxweynaha in uu Golihiisa ay kasoo muuqdaan Haweenku.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa la filayaa caawa illaa berri uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada Cusub, Iyadoona Madaxweynuhu uu horey u xusay in uu soo dhisi doono Gole tiro yar oo tayo leh.

Daawo.

IDIL NEWS