Jubbaland oo kismaay ka bilowday qaadista Canshuurta Waddo marista (Daawo)

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Wasaaradda gaadiidka Dowlad-goboledka Jubbaland iyo Laanta nabadgelyada waddooyinka degmada Kismaayo ayaa maanta magaalada Kismaayo ka bilaabay qaadista canshuurta sanad laha ah ee waddo marista gaadiidka, kaddib markii guddiga dakhliga Jubbaland ay shalay iclaamiyeen arrintaasi.

Ciidamada laanta Taraafikadda magaalada Kismaayo ayaa gaadiidleyda xusuusinaayey in la gaaray xilligii bixinta canshuuraha waddo marista ee sanad laha ah.

Bashiir Xiis Khaliif Taliyaha laanta nabadgelyada waddooyinka ee degmada Kismaayo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay si rasmi ah u bilaabatay qaadista canshuurta sanad laha ah ee waddo marista gaadiidka, wuxuuna wadayaasha gaadiidka ugu baaqay in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay.

Waa sanadkii labaad oo ay wasaaradda gaadiidku qaaddo canshuuraha waddo marista gaadiidka, gaari kasta oo bixiya waxaa lasiinayaa waraaq caddeynaysa in uu canshuurta bixiyey oo aan muddo sanad ah lagu lahayn wax canshuur ah.

Daawo.

IDIL NEWS