Taliska Booliska Puntland oo Boosaaso kusoo bandhigay Rag dilay Ganacsade (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Taliska Ciidamada Booliska Dowladda Puntland, ayaa Magaalada Boosaaso kusoo Bandhigay Dhalinyaro ku eedeysan Dilka Nin ganacsade ah oo habeen ka hor lagu dilay Xaafadda Raf Iyo Raaxo ee Boosaaso.

Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa Sheegay in Dhalinyaradan oo ah, kuwii ka dameeyay Dilka nin ganacsade ah loogu geystay boosaaso, ay Boolisku kusoo qabteen Howlgallo culus oo ay sameeyeen kaddib.

Gen. Muxyadiin ayaa tilmaamay in Dhalinyaradan oo 3 ah ay qeyb ka yihiin Kooxaha argagixisada ah ee Ammaan darada ka waday Boosaaso, Isagoona sheegay inay hor-keenayaan Cadaalada.

Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa tilmaamay in ammaan darada boosaaso ay qeyb ka yihiin Dhalinyarada oo uu sheegay inay fuliyaan dilalka, Isagoona ugu baaqay Waalidiinta inay Kantaroolaan Ilmahooda.

Daawo.

IDIL NEWS