Ilhaan Omar oo si adag uga hor timid Ergayga Trump ugu magacaabay Venazuela(Daawo)

Ilhan,ayaa aad uga soo hor jeensatay Nin uu Madaxweyne Trump u magacaabay in uu noqdo ergeyga u qaabilsan dalka Venazuela.

Ilhaan Waxay su’aal gelisay sida loo aamini karo Elliott Abrams oo loo magacaabay dalka Venazuela oo qalalaaso siyaasadeed ay ka taagan yihiin.

Elliott Abrams oo hor yimid guddiga arrimaha dibadda ee Kongres-ka oo Ilhaan ay ka tirsan tahay,ayaa waxay sheegtay in aysan garaneyn sababta guddigaasi iyo shacabka Mareykanku ay u aamini karaan Ninkan, maadaamabay tiri uu horay ugu lug lahaa dhibaatooyin ka dhacay dalka Elsalvador oo horay ay uga dhaceen dagaalo sokeeye iyo arrimo la xiriira dalka Iraan.

Elliott Abrams oo ah diblomaasi rug cadaa ah, aadna looga ixtiraamo Mareykanka horayna ula soo shaqeeyay Madaxweynayaasha kala ah Ronald Reagan iyo George W. Bush,ayaa u muuqday nin ka xanaaqay hadaladii Ilhaan Cumar.

“Sannadkii 1991 waxaad qiratay in laba mar aad aqalka Kongreska ka qarisay macluumaad la xiriira ku lug lahaanshahaada fadeexaddii Iraan, mana garanayo sababta caddeyn walba oo aad maanta bixiiso ay run ku noqon karto”. Sidaasi waxaa Elliott Abrams u sheegay Ilhaan Cumar,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka.