Ilhan Cumar oo ugu baaqday Madaxweyne Trump inuu Is-casilo (Daawo)

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Ilhaan Cumar, oo ah haweeney Muslim ah tii ugu horeeyay ee kamid noqotay Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga jawaabtay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Madaxweyne Trump oo ka jawaabayay hadal horey ay u daabacday Ilhaan Cumar ayaa ka dalbaday inay iscasisho kadib markii uu difaacay Yahuuda oo wax badan ay dhaliilsaneyd Ilhaan.

Xildhibaan Ilhan oo u jawaabeysay Trump ayaa sheegtay in haddii qof ay mudan tahay inuu isku casilo hadal la necbeystay inuu yahay Madaxweyne Trump inuu iska casilo xilka uu hayo, maadaama ay sheegtay in tan iyo noloshiisii inuu ku dhawaaqi jiray hadalo Naceyb ah.

Dhinaca kale, Xildhibaannada Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar ka difaacay hadalada iyada ka dhanka ah ee ka soo baxay Trump iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah, waxaana ay u muujiyeen taageero.

Guddoomiyaha Golaha wakiillada aqalka hoose ee Mareykanka Nancy Pelosi, ayaa Trump iyo xisbigiisa uga digtay in ay wax ka sheegaan Aqalka hoose oo uu aqlabiyaddiisu hoggaaminayo Xisbiga Dimuqraadiga ah.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inaysan marnaba iska casili doono xilka loo doortay, waxaana ay cadeysay in Madaxweyne Trump isaga ay haboonaan laheyn inuu is casilo, sababtoo ah waxay sheegtay inuu ku jiro Islaam Naceyb badan.

Daawo.

IDIL NEWS