Madasha Is-dhexgalka iyo Nabadda Mudug oo ku guuleysatay Abaal-marin (Daawo)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Madasha Isdhexgalka iyo Nabadda Gobalka Mudug, ayaa ku guuleystay Abaalmarinta the best youth Organisations Award, taas oo ay bixisay Somali Youth Awards.

Madashan ayaa ku Muteysatay Abaalmarinta Doorka ay ku lee dahay Isdhexgalka iyo Nabadeynta Gobalka Mudug, gaar ahaan xal u helida Colaadii soo lab laabatay ee ka dhacday Magaalada Gaalkacyo, taas oo u dhaxeysay Dhinacyada Puntland iyo Galmudug.

Madasha Isdhexgalka iyo Nabadeynta Mudug, ayaa ah Madal ay ku mideysan yihiin Dhalinyarada labada dhinac ee Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, kuwaas si iskood ah isigu xilqaamay ka shaqeynta Nabadgelyada iyo Midnimada Dadka ku nool Degaanada Gobalka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug, oo marar badan ay ka dhaceen Dagaalo u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug, ayaa Sanadihii ugu dambeeyay aheyd nabad, taas oo Gaalkacyo u suura galisay inay kasoo kabato Colaadii Sokeeye, Iyadoona Magaalada ay ka socdaan Mashaariic Hormarineed.

Daawo.

IDIL NEWS