Dowladda Soomaaliya oo u jawaabtay Kenya, Eedeeyna u jeedisay (Akhriso)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasaarada Arrimaha Dibbada iyo Xariirka Dowlada Federalka Soomaaliya, ayaa Qoraal ay soo saartay looga hadlay eedeyntii ay dowlada Kenya u soo jeedisay dowlada Soomaaliya ee ahayd in ay dooneyso in ay boobto dhul badeed ay dowlada Kenya leedahay.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ka kooban labo bog Kuna qoran Afka English-ka, ayaa lagu sheegay inaysan dowlada Soomaaliya ku xadgudbin dalka Kenya ayna suuqgeyn bad ama dhul ay leedahay dowlada Kenya.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ka xuntahay sida ay dowlada Kenya ula dhaqantay Safiirkii Soomaaliya ka joogay dalka Kenya oo ay u qabatay muddo 24saacadood ah iyadoo aan si rasmi ah ugu soo wargelin dowlada Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

IDIL NEWS