Ganacsatada Qaadka Kenya oo sheegay inay joojinayaan Qaadka ay keenaan Soomaaliya.

NAIROBI (IDIL NEWS)-Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya, ayaa Shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u soo dhoofiyaan Soomaaliya, si ay garab istaag ugu muujiyaan Dowladooda oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka ganacsatada Qaadka dalka  Kenya Kimithi Munjuri, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u keenaan Soomaaliya, haddii ay dowladda Soomaaliya sii wado muranka dhinaca badda iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeya.

Afhayeenka u hadlay Ganacsatada qaadka ayaa sheegay in soomaaliya markasto ay ku goodiso in ay joojinayso qaadka.

“Kuma iibsan karno Qaad madax bannaanida dalkeenna.. Soomaliya waxay mar walba ku gooddisaa inay joojinayso Qaadka Kenya , si ay usoo jeediso dareenka dowladda”. Sida waxaa yiri afhayeenka ganacsatada Qaadka Kenya, Kimithi Munjuri.

Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa maalinta walba keenta Soomaaliya 50 tan, iyadoo dowladda Kenya ay ka hesho suuqa Qaadka ee Soomaaliya 100 Milyan oo shilling Kenya.

Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladdaha  Soomaaliya iyo Kenya ayaa Xilligan gaaray meeshii ugu xumaa, Iyadoona kenya ay haatan ku xirta Heshiis laga gaaro Khilaafka labada Dowladood Shuruudo.

IDIL NEWS