Madaxweyne Deni “25 sano ee ay shaqayneysey hay’adda Diakonia waan joogey oo waan la shaqeeyey” (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowaladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay 25 sani guuradii kasoo wareegtay markii Hay’adda Diakonia ay ka shaqo bilowday deeganada Puntland.

Munaasabadda Sanad guurada 25-aad ee Hay’adda Dikonia ayaa waxaa kasoo qayb galay wefti uu hormuud u yahay Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Andreas Von Vexkull, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowaladda Puntland, saraakiil ka tirsan hay’adda Diakonia, hay’adddaha shaqo wadaagta la ah Diakonia, saraakiil ka socda hay’addaha UN-ka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dowaldda Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu hambalyeeyey hay’adda Diakonia sanad guurada 25-aad ee kasoo wareegtay markii laga furay xafiiskeedii ugu horeeyey Putland, waxaana uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inuu si dhaw ula shaqayndoono hay’adda, horena ula shaqayn jirey.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan kasoo qayb-galo sanadguurada 25-aad markii ay ka shaqo bilawday Puntland hay’adda Diakonia, Waxaan si gaara ugu mahadcelinayaa murwadii halakan shaqada ka bilawday ee Elsie oo aan soo jeedinayno guriga hadda Diakonia loo yaqaano loogu magacdaro, waxaan sidoo kale uga mahadcelinaynaa shaqada wanaagsan ay soo qabatay Diakonia oo buldhig u ahayd horumarka aan ku naaloonayno oo sal dhiggeedu ahaa dhinaca horumarinta bini’aadamka aan ahayn quudin keliyee ahayd mid lagu horumarinayo Puntland” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“25 ka sano ee ay shaqayneysey hay’adda Diakonia waan joogey, 25 ka sano oo soo socdana waan la shaqaynaynaa Insha Alla, muhiim ma aha in aan Madaxweyne ahay” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa tilmamaay in sanadguurada Diakonia tahay mid lagu soo bandhigayo waxqabadka wanaagsan ee ay Puntland ka qabatay, iyadoo kaashanaysa hay’addaha shaqo wadaagta la ah.

“Waa xafladd iyo xus taariikhi u ah Puntland oo lagu soo bandhigayo wax qabadka hay’addaha Diakonia kala shaqeeya horumarinta Puntland, waa bandhig aan hadal ahayne qoraal ah, horumarinta xirfadaha haweenka, horumarinta magaaloonyinka Puntland, horumarinta dowladnimada, tacliinta iyo waxqabad kale oo muhiim ah, kuwaas oo ay kusoo bandhigeen muuqaalkii koobnaa, halku dhigga Diakonia ee DAD AYAA ADDUUN BEDELA, waxaan noqonaynaa dadkii ugu horeeyey ee bedela dalkooda gaar ahaan Puntland “

Daawo.

IDIL NEWS