Boqalaal kamid ah Ciidamada amniga Puntland oo gaaray Gaalkacyo (Daawo)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Cutubyo kamid ah Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland iyo Ciidamo Boolis ah, ayaa maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen Falal isigu jira dilal iyo Kufsi.

Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidamada Daraawiish-ta Dowladda Puntland C/shukri C/llaahi Xuseen iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska, waxaana la filayaa inay ciidamadu bilaabaan saacadaha soo socda Howlgal culus oo lagu baadi goobayo Dadka qeybta ka ah ammaan-darada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa faray Laamaha ammaanka Puntland inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan Xaalada kasoo cusboonaatay Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan kufsigii iyo dilkii loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd Gabar 12 sanno jir ah.

Taliyaha Ciidamada Daraawiish-ta Puntland Gen. C/shukri ayaa sheegaya in howlgalkan Ciidamadu ka bilaabayaan Magaalada Gaalkacyo saacadaha soo socda loogu magac-daray “Caasho Maxay Galabsatay”, Iyadoona la filayo in maalmaha soo socda Bandow lagu soo rogo Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay falal ammaan-darro, Iyadoona Waxgaradka iyo Shacabka Magaaladu ugu baaqeen Dowladda Puntland inay jawaab ka bixiso Xaalada Gaalkacyo.

Daawo.

Sawirro.

IDIL NEWS