VIDEO: Dib u dhiska Wadada Halbowlaha ah ee Burtinle oo bilawday (Sawirro)

BURTINLE (IDIL NEWS)-Dib u dhiska Wadada halbowlaha u ah ee Degmada Burtinle ee Gobolka Nuugaal, ayaa si rasmi ah u bilaabatay, Iyadoona burburin lagu bilaabay maanta jaamihii ka haray laamigii hore ee Degmadaas.

Wadadan oo ay dhisayso Shirkadda Kebarko, ayaa waxaa iska kaashanaya Maamulka iyo Shacabka Degmada Burtinle, Iyadoona ay taageerayso Dowladda Puntland.

3.6-KM oo kamid ah laamiga halbowlaha ah ee dhexmara Buurtinle, ayaa la dhisayaa, Iyadoona Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland oo dhowaan dhagax-dhigay Dhismaha Wadada uu sheegay inay si dhow ula soconayso Dowladdu dhismaha Wadada iyo Tayadeeda.

Wadada ayaa ah mida isku xirta guud ahaan Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, Iyadoona loogu baaqay Bulshada Puntland, gaar ahaan Qurbo-joogta inay ka qeyb-qaataan Dhismaha Wadadan.

Daawo.

Sawirro.

IDIL NEWS