Kenya oo Somaliya usoo jeedisay heshiis wadaag ah 55%-45%.

Walaaca dowladda Kenya ay ka qabto in looga adkaado kiiska dacwada badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa sii kordhaya, waxayna soo jeedineysa xal kheyraad wadaag ah, sida uu qoray wargeyska The East African ee Naiorbi.

Wargeyska ayaa sheegay in Kenya ay hadda wadda dadaal xooggan oo dalalka deriska la ah iyo beesha caalamka uga codsaneyso inay xal u helaan muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Ilo-wareedyo la hadlay The East African ayaa sheegay in Kenya ay isku dayeyso in Soomaaliya ay ka laabto kiiska maxkamadda, islamarkaana xal ka baxsan maxkamadda la gaaro.

Xalka Kenya ay soo jeedineyso ayaa waxaa ka mid ah in ayada iyo Somalia ay gaaraan heshiis ay ku wadaagayaan kheyraadka u badan shidaalka ee la rumeysan yahay inuu ku jiro dhul-badeedka lagu muransan yahay.

Dhinaca kale, Xogta ayaa sheegeysa in Kenya ay diyaar u tahay heshiis dhigaya in Somaliya ay qaadato 55% dakhliga kasoo xarooda shidaalka dhulka la isku haysto, halka Kenya ay heleyso 45%.

Dowladda Kenya ayaa xilligii dowladda Xasan Sheekh usoo jeedisay Soomaaliya inay qaadato 25% kheyraadka, halka ayada ay heleyso 75%, taasi oo madaxweyne Xasan uu ka diiday, waxaana hadda muuqata in Kenya ay dabac xooggan sameysay.