New York: 30 Ruux oo ku dhaawacmatay Khalkhal ku yimid Diyaarad (Daawo)

NEW YORK (IDIL NEWS)-Illaa 30 Ruux ayaa ku dhaawacmay Khalkhal ku yimid Diyaarad ay lee dahay Shirkadda Turkish Airlines oo nooceedu ahaa Boeing 777, xilli ay u kala goosheysay Magaalooyinka Istanbul iyo New York.

Khalkhalka dhinaca Hawada ah ee Diyaarada ayaa dhacay xilli ay maraysay Badweynta Atlantic, kaddib markii Diyaaradu ay kala kulantay cadaadiska dabaylo xooggan oo ka dhacayay Hawada.

Diyaaradan oo ay saarnaayeen in ka badan 300 oo Ruux, ayaa la sheegay inay si nabadgelyo ah uga degtay garoonka diyaaradaha John F. Kennedy International Airport ee magaalladda New York ee cariga Mareykanka.

Mushkiladan oo dhacday xalay xiliga Magaalada New York ayaa waxaa la sheegay in gaadiidka gurmadka deg deg ah loo diyaariyey rakaabka dhaawacmay oo qaarkood uu soo gaaray jajab dhinaca lafaha ah, waxaana loola cararay goobaha caafimaadka.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli shalay ay burburtay Diyaarad ay laheyd Shirkadda Ethopian Airlines nooceeduna uu ahaa Boeing 737, taas oo 6 daqiiqo kaddib markey ka kacday Garoonka Addis Ababa burburtay.

IDIL NEWS