Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kismaayo.

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafti uu Hoggaaminayo, ayaa Goor-dhaweyd gaaray Magalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyey  mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland,iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi,kuwaas oo qaarkood watay Sawirrada Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayna ka wada hadlaan arrima badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga, gaar ahaan sida Ururka Al-Shabaab  looga saari lahaa deegaannada Gobolada Jubbaland kaga sugan yihiin.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa uu Barxada Aargada Kismaayo uu  kula hadli doonaa Shacabka ku nool Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Waa markii labaad uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu tago Magaalada Kismaayo tan iyo markii xilkaas loo Magacaabay,waxaana tan ay kusoo aadeysaa xilli uusan wanagsaneyn xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

IDIL NEWS