Garoowe: Shirka dajinta Qorshayaasha Dowlada Puntland oo Goor-dhow Furmaya.

GAROOWE (IDIL NEWS)-Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa Goor-dhow waxaa Magaalada Garoowe uga Furmaya Shirweyne soconaya Saddex maalmood, kaas oo lagu soo bandhigayo Qorshayaasha Wasaaradaha Dowladda Puntland ee 5 sanno ee soo socota.

Mudada saddexda maalmood ah ee uu socdo shirkan ayaa waxaa si weyn loogu lafa-guri doonaa dejinta qorshe howleedka xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni.

Shirkan oo inta uu socdo Shir guddoominayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa waxaa goobjoog noqon doona Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Xubnaha Golaha Wasiirada.

Warbaahinta ayaa si toos u tabin doonta inta uu socdo Shirkan oo ka furmaya Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland, si shacabku ula socdaan Qorshayaasha 5 sanno ee soo socota oo ay soo bandhigayaan Wasaaradaha Dowladda.

Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News.

IDIL NEWS