Maxaa sababay in DF Soomaaliya ay mamnuucdo diyaaradihii lagu farsameeyay Midowgii Soofiyeeti ?

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in hawada iyo garoomada dalka laga mamnuucday diyaaradaha duugga ah ee lagu farsameeyay wadankii la oran jiray Midowga Soofiyeeti.
Diyaaradaha ay Hay’adda Duulimaadka Soomaaliya mamnuucday ayaa waxaa ay kala yihiin: Antanov 24, Antanov 26, Antanov 32 iyo Antanov 12.

Diyaaradaha ay dowladda Soomaaliya mamnuucday ayaa ah kuwa xamuulka qaada oo ah diyaarad duug ah oo Midowgii Soofiyeeti.

Go’aanka Hay’adda Duulista Rayidka ee dowladda Soomaaliya ku mamnuucday Diyaaradihii hore ee Midowga Soofiyeeti ayaa soo baxay 7 Febraayo, waxayna shaqadooda ku ekeyd 28 Febraayo 2019. balse waxaa loo kordhiyay in dalka laga saaro ilaa 15-ka Maarso.

Hay’adda duulista hawada ayaa sheegtay in dayuuradahan ay yihiin kuwo halis ah oo duugoobay. ayna qaarada afrika ku laheyn xarumo lagu dayactiro.

Amarka ka soo baxay Hay’ada Duulista Hawada ayaa ku soo beegmay labo maalmood kadib markii ay ku burburtay dalka Ethiopia diyaarad cusub oo dhowr bilood oo kaliya shaqeyneysay waxana burburka diyaaradaas ku dhintey inkabadan boqol iyo konton ruux.

IDIL NEWS