Wararkii ugu dambeeyay ee xiisad dagaal oo ka taagan Degaano katirsan G. Sanaag.

YUBBE (IDIL NEWS)-Wararka aan ka helayno Degaanka Yubbe ee Gobalka Sanaag, ayaa sheegaya inay weli ka jirto Degaankaas Xiisad dagaal oo u dhexeysa Dowladda Puntland iyo Somaliland.

Xiisadan dagaal ayaa timid kaddib markii Somaliland ay degaankaas keentay Ciidamo fara-badan, taas oo ay Puntland ka carootay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ka hadlay Xiisadan ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay si adag uga jawaabayso daan-daansiga Somaliland ku heyso, isagoona ku dhawaaqay in aysan u dul-qaadan doonin duulaanka lagu soo qaaday dhulkooda.

Wararka ayaa sheegaya in degaano u dhow dhow degaanka Yubbe ay gaareen Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, kuwaas oo la sheegay inay saacadaha soo socda bilaabi doonaan Howlgal culus.

Si kastaba ha ahaatee, Xiisada dagaal ee u dhexeysa Puntland iyo Somaliland ayaa imaanaysa xilli ay shalay is-casileen Taliyihii iyo Abaanduulihii guud ee Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ee (Daraawiish-ta), kaddib wada-shaqeyn la,aan ay sheegeen inay kala kulmeen Madaxweyne Deni.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

IDIL NEWS