Madaxweyne Deni oo Maalintii 3-aad Shir guddoomiyey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda PL (Sawirro)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalintii sadexaad shir guddoomiyey shirka jihaynta siyaasadda Xukuumadda dawladda Puntland.

Shirka ayaa waxaa qoobjoog ka ah Madaxweynaha Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland. 
Wasaaradda Qoshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa daadihinaysa shirka, iyadoo looga hadlidoono shirka qodobada hoos ku xusan.

1. Soojeedin dhammaystirka talaabiyinka hore ee qorshe hawleedka dawladda.

2. Soojeedin iyo falanqayn kobcinta dakhliga dawladda.

A. Sharaxaad nidaamka dakhli ururinta ee dawladda

B. ilaha dakhliga ee dawladda

C. Doorka hay’addaha dawladda ee dakhliga soo saara iyo habraaca la marayo

D. Sidee loo kobcinkaraa dakhliga dawladda?

E. Caqabadaha soo waajaha dakhli ururinta iyo kobcinta.

3. Soojeedin nuxurka shirka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u soo xidhaya shirka, taasi oo micnaheedu yahay in maanta lasoo gebagebaynaayo Shir Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda dawladda Puntland, waxaana shirka kasoo baxaya WAR-MURTIYEED soo koobaya qodobada kasoo baxay shirkani muhiim ka ah.

Sawirro.

IDIL NEWS