Madaxweynaha Jabuuti oo kusoo Wajahan Muqdisho.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa kusoo jeeda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegayaan Warar lagu kalsoon yahay.

Wafdiga Madaxweyne Geelle oo isugu jira Xildhibaano, Wasiiro iyo waxgarad ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Ujeedada socdaalka Madaxweyne Geelle ayaa lagu sheegay sidii uu xarigga uga jari lahaa Safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii February ee sanadkii 2017 si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha Safaaradda cusub ee Jabuuti oo ku taal degmada C/casiis, gaar ahaan dhanka Xero Mariino.

Qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Geelle iyo Wafdigiisa ay ka socota Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, Iyadoona wararku sheegayaan in Muqdisho uga bilaabaneyso Booqasho Labo Maalmood ah.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaa meelaha qaar lagu sharaxay Sawirka Madaxweynaha jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

IDIL NEWS