Goldogob: Wasiiro katirsan Puntland oo dhagax-dhigaya Mashaariic Muhiim ah (Sawirro)

GALDOGOB (IDIL NEWS)-Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug, waxaa shalay gaaray Wafti ka socda Dowladda Puntland, kuwaas oo isugu jira Wasiiro, Wasiiro ku-xigeeno iyo Agaasimayaal Guud.

Waftigan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Goldogob, Iyadoona soo dhaweyntooda ay ka qeyb-galeen Shacabka iyo Maamulka Degmada.

Masuuliyiintan ka socda Dowladda Puntland, ayaa la filayaa inay maanta ka qeyb-galaan Dhagax-dhiga Mashaariic Hormarineed oo laga fulinayo Degmada Goldogob, kuwaas oo isugu jira Saldhig Boolis iyo Suuq weyn ayna dhisayso Hay’adda Care.

Sidoo kale, Masuuliyiintan ka socda Dowladda Puntland ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan Maamulka Degmada iyo Waxgaradka, kuwaas oo ay ka wada-hadli doonaan Hormarinta amniga iyo Dhaqaalaha Degmada Goldogob.

Sawirro.

IDIL NEWS