WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Goor-dhaweyd soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle oo ay wehlinayaan Xubno kamid ah Labada Gole ee Dowladda Jabuuti, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwsoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, xubno kamid ah labada Gole ee Dowladda Taliyayaasha Ciidamada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Jabuuti Mr. Geelle ayaa lagu wadaa inuu xarigga ka jaro Safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho, taas oo bishii Febuary ee sanadkii 2017-kii ay si wadajir ah u dhagax dhigeen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa yeelan doona kulan ay uga wada hadli doona xiriirka labada dal iyo arrimaha ka jira Gobolka Geeska Afrika.

IDIL NEWS