Maxaa kasoo baxay Kulan dhexmaray Wafdigii Eritrea iyo Muuse Biixi ? (Daawo)

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Somaliland ayaa war ka soo saartay socdaal uu maanta Hargeysa ku tagay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed, iyadoo safarka wafdiga Eritrea ka socday uu ahaa kii u horeeyay ee Somaliland ku tagaan.

Kulan albaabada u xirnaa ayaa Madaxtooyada Ku dhex maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, iyagoo ka wada hadlay arrimaha iskaashiga, xiriirka iyo nabadda Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa suxufiyiinta u sheegay in wafdiga uu qeyb ka ahaa La taliyaha madaxweynaha Eritrea, iyadoo la isku afgartay qodobadii ay ka wada hadleen labada dhinac.

Daawo.

IDIL NEWS