Garoowe: Maxkamadda Racfaanka oo laashay Xukun dil ah oo lagu riday Eedeeysanayaal geystay Kufsi (Akhriso)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Maxkamada Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa Maanta laashay Xukun dil ah oo Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Gobalka Nugaal ay horey ugu riday 5 Eedeeysane oo kufsi wadareed ka geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa 5 Nin ee horey ay Maxkamadda darajada koowaad ugu Xukuntay dil togasha ah, ku xukuntay Xabsi iyo Lacag Ganaax ah, Iyadoona u cuskatay in aysan dilin Gabadhii ay kufsadeen ee dhibanaha ah.

 Maxkamadda ayaa 3 kamid ah Eedeeysanayaasha oo lagu kala Magacaabo “Cabdirisaaq Cali Cabdi, Ugaas Mirre barre iyo Cismaan Maxamed Cadulahi”, waxay ku xukuntay 20 sano oo Xariga, 2000 dollar oo ganaaxa, 2000 dollar Mehru Misilo ah iyo 1000 dollar oo Kabid Moradi ah.

Halka Labada Eedeeysane ee kala ah Cadbirasaaq Axmed Cilmi iyo Yuusuf Cabdulahi Xirsi, ay Maxkamaddu ku xukuntay Midkiiba 15 sano oo Xariga, 2000 dollar oo Ganaxa iyo 1000 dolar oo Kabid Moradi ah.

IDIL NEWS