Sheekh Shariif oo baaq kasoo saaray Dagaalada Degaanada Xeraale iyo Cadalle.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyo Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaano katirsan Gobalada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Madaxweyne Sheekh Shariif ku cambaareeyay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degaanada Xeraale iyo Cadalle ee Gobalada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 100 qof.

“Waxaan ugu baaqayaa walaalaha Soomaaiyeed ee ku dagaalamaya deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud inay colaadda ka fogaadaan oo ay si shuruud la aan ah xabadda u joojiyaan, wadahadal iyo isqancinna lagu dhameeyo wixii tabasho ah ee u dhaxeeya”, ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed

“Waxaan ka codsanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada, maamulka Galmudug iyo dowladdaba in colaaddaas laga hortago, walaalaha is haya nabad la kala dhex dhigo”, ayuu hadalkiisa raaciyay Shariif Sheekh Axmed

Sidoo Kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlayay Colaada Shabellaha Dhexe ayaa ka tacsiyeeyay Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay dagaalkaas.

“Ugu horeyn waxaan ugu baaqayaa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya qayba kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe in ay shuruud la’aan colaadda u joojiyaan, islamarkaana gartaan in dagaal uusan faa’iido u lahayn dadka wada dhashay ee ehelka ah iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Shariif Sheekh Axmed

“Marka labaad waxaan bogaadinayaa dadaallada Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe ka socda ee ah in colaaddaas laga hortago, dadka walaalaha ee wax kala tabanaya khilaafkooda lagu xaliyo is afgarad iyo is qancin”, ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed

Baaqa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa kusoo aadaya xilli weli xiisad kacsani ay ka jirto Degaanada Xeraale iyo Cadalle ee Gobalada Shabeelaha dhexe iyo Galgaduud oo maalmihii lasoo dhaafay ay dagaalo ka socdeen.

IDIL NEWS