Dowladda Federaalka oo sheegtay in Doorashada Galmudug aan dib loo dhigeyn.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay dooda ka taagan xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxtinimada ee maamulka Galmudug oo hoggaanka maamulkaas ay isku khilaafeen xilligeeda.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in doorashada ay dhaceyso bisha Todobaad ee sanadkan, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aanka Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo isla qaatay in doorashada noqoto sanadka 2021.

“Mowqifka dowladda Feedraalkaa ayaa sheegi karaa, Annaga waxaan rabnaa in doorasho Galmudug ay ka dhacdo waqtiga loogu talagalay oo ah Bisha July ee sanadkan, mas’uuliyiinta Galmudug iyo kuwa Federaalka waxaa u yaala Galmudug arrinteeda in wada xaliyaan, meel wanaagsan keenaan, doorashadana waqtiga loogu talagalay ay qabtaan” ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Waxaa uu sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay in doorasho daah furan ay ka dhacdo Galmudug, balse ay ka hormarinayaan dib u heshiisiin guud oo la dhex dhigo beelaha dega maamulka iyo madaxda sare ee Galmudug.

Hadalkan cusub ee Wasiir Sabriye ayaa meesha ka saaraya go’aanka ay todobaadkii hore wada qaateen Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Xukuumada, kuwaasoo Dhuusa-Mareeb ka sheegay in mudo xilleedka Hoggaanka Galmudug uu ka bilaabanayo waqtigii ay heshiiska Villa Somalia ku saxixideen Galmudug iyo maamulkii Ahlusuna ee lagu biiriyay.

IDIL NEWS