Jubbaland oo ka hor-timid Go,aan kasoo baxay DF Soomaaliya (Akhriso)

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Iyadoo dhawaan Wasaaradda Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ay ku amartay Jaamacadaha ku yaalla dalka inaysan qaadan karin Arday aan soo marin imtixaanka ay qaado Wasaaradda, ayaa waxaa Go’aankaas kasoo horjeestay Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland.

Warqad kasoo baxday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland Axmed Maxamed Cabdirisaaq ( Handal) ayaa lagu sheegay in Go’aanka dowladda aysan suuragal aheyn, isla markaana ardayda aan lagu xujeen  inay galaan laba imtixaan.

Sidoo kale, Warqada Wasaaradda waxbarashada jubbaland lagu sheegay in amarkaas kasoo baxay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ay la wadaageen Madaxeynaha Jubbaland, isla markaana uu ku amray in ardayda deegaanada Jubbaland gelin lama imtixaan,waxaana Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya laga dalbaday inay go’aankaas dib u eegis ku sameyso.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Wasaaradda Waxbarshada Jubbaland.

IDIL NEWS