Madaxweyne Farmaajo oo Wasiiro iyo Xildhibaano u diray Ciidamadii gadooday.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa wafdi isugu jira Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka u diray Degaano ay Saldhigteen Ciidamadii gadoodsanaa ee soo faarujiyay Furimaha Dagaalka ee Shabeelaha Dhexe.

Xubnaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka warfaafinta Daahir Geelle iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Raage.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wafdigan Wasiirada iyo saraakisha Ciidamada ee uu u diray goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamadan, kula balamay si ay wax badan uga ogaadaan cabashadooda la xiriira mushaar la’aanta heysta muddo lix bilood ah.

Xubnahan ayaa la sheegay inay ugu horey la kulmi doona Saraakiisha iyo Ciidamada kasoo baxay deegaano ka tirsan degmada Cadale, waxaana ay sidoo kale u gudbi doonaan degmada Balcad, gaar ahaan Xerada Hiilweyne.

Mas’uuliyiintan ayaa la filayaa inay Ciidamada kula hadlaan Xerada Hiilweyne ee duleedka Balcad, halkaasoo ay saldhigteen Ciidamadii ka soo baxay Mahadaay, Buurane, Qalimow iyo Garsaale ee duleedka magaalada Jowhar, Iyagoona doonaya inay ku qanciyaan inay dib ugu laabtaan difaacyadooda.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa dhowaan sheegay inay Ciidamada siiyaan Mushaarkooda marka laga soot ago kuwa aan diiwaan-gashaneen, taas oo ka careysiisay Ciidamada soo faarujiyay Fariisamaha Dagaalka.

IDIL NEWS