Wararkii ugu danbeeyay ee Ciidamadii soo gadooday

Wafti uu hogaaminayay Wasiirka Amniga dowlada fadaraalka Maxamed Abuukar Islow oo ay ka mid ahaayeen wasiirka warfaafinta,abaanduulaha ciidamada iyo mas’uuliyiin kale,ayaa kulan la yeeshay saraakiisha horkacaysa ciidamo gadoodsan oo ku sugan duleedka magaalada Balcad.

Wararka,ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiisha ciidamada horkacaysa ay hordhigeen waftigii ka socday dowlada fadaraalka afar qodob oo kala ahaa:-

1- Mushaar, raashin iyo Iidaan ka maqan 4 bil.
2- Daryeel xumo iyo dalacsiin la’aan muddo sanado ah
3- Waa bixinay mushaar oo dowladdii ay leedahay iyo
4- Markaan ka hadalno waxaa nala leeyahay siyaasad ayaa idinka soo ureysa.

Waftiga uu hogaaminayo Wasiir Ducaale, Wasiir Daahir Geelle iyo Abaanduulaha ,yaa u sheegay saraakiishii hoggaamineysay Ciidamada ka soo baxay Furimaha in ay ka yihiin wakiil buuxda Madaxweyne Farmaajo,wixii qalad ahna ay dowladu leedahay isla markaana la saxayo wixii qaldamay.

Saraakiisha ayaa loo sheegay in la siin doono raashinka ka maqan wixii mushaar iyo farsamo iyo sixid u baahana ay qaadayaan mas’uuliyadooda,waxanaa laga codsaday saraakiisha in ay dib ugu ceshaan Ciidamada goobihii ay soo guureen.

Saraakiisha ciidamada gadoodsan horkacaysa ayaa haatan wadatashiyo waxay la yihiin ciidamada si ay jawaab ay ku midaysan yihiin uga bixiyaan dalabka uga yimid waftiga ka socda dowlada fadaraalka.