RW New Zealand”Aadaanka Salaada jimcaha waxaa laga baahin doonaa warbaahinta Dalka”(Daawo)

Mar wax laga weydiiyey arrinka xagjirnimada ayaa waxay ku jawaabtay: “Ruuxa weerarka gaystay waa muwaadin u dhashay dalka Australia balse taasi micnaheeda ma’aha in dalka New Zealand aysan joogin dad haysta fikirka cunsurinimada”.

iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey tiri: “Waxay mas’uuliyad naga saarantahay inan dalka ka sifeyno dadka qaba fikradaha noocan ah si aan u helno deegaan ka dhan ah xagjirnimada iyo cunsurinimada nacaybka ku dheehan.”

“Balse waxaan caalamka ugu baaqaya inaan si wada jir ah hal dhinac uga soo wada jeesanno fikirkaas.” Ayey ku tiri Ardern.

Dhanka kale, waxay gaashaanka u daruurtay eedeymaha ku saabsan in New Zealand ay aqbashay qaxooti badan ayna taasi sababta noqon karto.
“Waxaan nahay dal jecel inay soo dhaweeyaan dadka dhibaataysan, taasna dhaliil kuma yeelan karno”, ayey tiri Jacinda.

Ms Ardern ayaa sidoo kale difaacday hadalkeedii ahaa in ninka weerarka geystay aan loogu yeerin magaciisa,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka