Dowladda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Shacabka iyo Dowladda Ciraaq (Akhriso)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay Shacabka iyo Dowladda Ciraaq, kaddib markii Doon waday Dalxiisayaal ay ku degtay Webiga Dajla ee Magaalada Mosul.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Xukuumadda iyo shacabka aanu walaalaha nahay ee Ciraaq iyo ehellada dhibanayaasha doonta dalxiis ee ku qalibmatay webiga Dajla ee Magaalada Mosul, xarunta Gobolka waqooyi ee Naynawa 21 Maarso”

“Waxa ayna caddaynaysaa inay si dhammaystiran u garabjoogto Ciraaq si ay uga gudubto dhibtani weyn ee ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 100 ruux oo u badan haween iyo caruur, waxa ayna Allah subxaanahu wa tacaalaa uga baryaysaa inuu naxariistiisa hugiyo kuwa geeriyooday, kuwa dhaawaca ahna si deg deg leh u bogsiiyo”

IDIL NEWS