Wafti horu-dhac u ah Madaxweyne Deni oo gaaray Magaalada Qardho (Sawirro)

QARDHO (IDIL NEWS)-Wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Abdisamad Maxamed Gallan, kana kooban wasiiro iyo wasiir ku-xigeeno ayaa gaaray Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Waftiga ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Qardho,  Iyadoona soo dhaweyntooda ay ka qeyb-qaateen Maamulka Degmada iyo Kan Gobalka, Iyadoona intaas kaddib loo gudbiyay Madal loo diyaariyay.

Wafdiga ayaa kulamo la yeeshay madaxda heer gobol iyo heer degmo, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Qardho, Iyagoona kala hadlay xoojinta amniga iyosidii looga wada-qeyb qaadan lahaa Hormarinta Degmada Qardho.

Wararka ayaa sheegaya in Waftigan Wasiirada ah ay horu-dhac u yihiin Wafti balaaran oo uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, kaas oo maalmaha soo socda u amba bixi Magaalooyinka Qardho iyo Bosaaso.

Sawirro.

IDIL NEWS