Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ku wajahan Dhuusa-mareeb iyo Xaaf oo ka duulay.

DHUUSA-MAREEB (IDIL NEWS)-Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu gaaro Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Galmudug.

Wasiir Sabriye ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxda Maamulka Galmudug, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu isagana u safray Gaalkacyo.

Ujeedada socdaalka Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in uu Madaxda Maamulkaasi kala hadli doono khilaafka iyo is faham waayga u dhaxeeya hoggaanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay in uu ku wargeliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Sabriye in uusan kala hadli doonaan xalinta khilaafka Galmudug iyo Villa Soomaaliya, maadama uusan Awood u laheyn in uu si dhab ah u wajaho xalinta khilaafkan.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News

IDIL NEWS