Galmudug oo Shuruud ku xirtay Wada-hadalada Dowladda Federaalka (Daawo)

DHUUSAMAREEB (IDIL NEWS)- War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Maamulka Galmudug, ayaa looga hadlay Nuxurka Wada-hadaladii Dhawaan Dhex-maray Madaxda Galmudug iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka kasoo baxay  Xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu yiri “Galmudug waxay muujisay in miiska wada-Hadalka la isugu imaan karo hadii Dowlada Fadraalku ay tixgaliso Dastuurka Galmudug islamarkaana ay gacmaha ka laabato faragalinta qaawan oo ay ku heyso jiritaanka Hay’adaha dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug sida; muddo xileedka Madaxda sare iyo Golaha Baarlamaanka.

Sidoo kale, Dowlad Goboleedka Galmudug waxay dalbatay in ka hor wada-hadalada ay DFS ay xiyiraada ka qaado kaalmadii miisaaniyadeed ee Galmudug ay ku laheyd qoondada miisaaniyada qaranka iyo mashaariicda horumarineed ee hakadka ku jira muddo sanad ku dhaw si loogu adeego shacabka la dalaa-dhacaya duruufaha adag sida colaada iyo abaaraha soo noq-noqday”

Wasiirka arimaha gudaha wuxuu dhageysatay dhammaan tabashooyinka madaxda kale duwan ee Galmudug. Wuxuuna dib ugu noqday Caasimada si uu la tashi ula yeesho madaxda ka sareysa.

Daawo.

Sii aqri war-saxaafadeed.

IDIL NEWS