Somaliland “Farmaajo hadalkiisa iyo dhaqankiisu isma laha” (Daawo)

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Maamulka Somaliland ayaa ka Jawaabay hadalkii dhawaan uu sheegay Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xaliso tabashada Soomaaliland.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland C/naasir Axmed Xirsi, ayaa sheegay in ay diyaar u tahay Somaliland Wada-hadalo ay la yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse aysan dhab ka aheyn dhinaca Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Marar badan wada-hadalo ay yeesheen labada dhinac ay gaareen is afgaradyo, kuwaas oo ka socon waayay dhinac Dowladda Soomaaliya oo aysan dhab ka aheyn sida uu sheegay Heshiis rasmi ah oo ay wada qaataan labada dhinac.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa sheegay inay tahay wax lala yaabo in Madaxweyne Farmaajo aysan is laheyn Hadalkiisa iyo Dhaqankiisa, isagoona ugu baaqay in uu u soo daa’dego xaqiiqada.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa Maalin ka hor sheegay in Dowladda uu hoggaamiyo ay diyaar u tahay inay si waafi ah uga garawdo tabashooyinka Somaliland, isla markaana doonayso inay ka mira-dhaliso Wadahadallada labada dhinac si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Daawo.

IDIL NEWS