Madaxweyne Deni oo baaq u jeediyay Shacabka Degmada Waaciye (Daawo)

WAACIYE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Goor-dhaweyd si diiraan loogu soo dhaweeyay Degmada Waaciye ee Gobalka Karkaar, Iyadoona soo dhaweyntiisa ay ka qeyb-galeen Maamulka Gobalka, kan Degmada, Waxgaradka iyo Shacab fara-badan.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahad-celiyay Shacabka Degmada Waaciye soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, isagoona sheegay in soo dhaweyntoodu muujinayso biseylka Dowladnimo eek a hanaqaaday Puntland.

Waxaa uu ka hadlay xaalada ammaanka iyo mid abaareed ee ka jirta Mandiqada Puntland, Waxaana uu ugu baaqay Shacabka Degmada Waaciye inay garab istaagaan Dowladooda si loo soo afjaro xaaladaha adag ee ka jira Degaanada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa saacado ku sugnaan doono Degmada Waaciye, isagoona saacadaha soo socda u sii gudbi doona Degmada Carmo ee Gobalka Bari, halkaas oo uu caawa ku  hoyan doona.

Daawo.

IDIL NEWS