Madaxweyne Xaaf “Galmudug waxay lee dahay Siyaasadda ka hor-taga Dabka”

DHUUSAMAREEB (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay dabkii khasaaraha hantiyeed geystay ee ka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatada ka dhalatay dabka ka kacay Goobaha Ganacsi ee baabi’iyey hanti farabadan oo ay lahaayeen dad Shacab ah.

“Aniga oo ku hadlaya Magaceyga, kan Gole-yaasha Dowlada iyo Shicibka Dowlad Goboleedka Galmudug, Waxaan xanuunka iyo murugada si dhaw ula wadagayaa Ganacsatada Galmudug ee maalkooda ku waayay Dabkii saaka ka kacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Madaxweyne Xaaf ayaa intaas ku daray in Galmudug siyaasad cad uga dagsan  tahay ka hor-taga khataraha Dabku ka mid yahay,isla markaana ay filayaan  dhawaan inay Magaalooyinka waa weyn ee Galmudug loo helo Gaadiidka Dab-damiska iyo Gargaarka degdega.

IDIL NEWS