Faallo:-Damaca Itoobiya iyo Dekedaha Somaliya(Daawo)

Itoobiya waxay diyaarinaysaa Cutubyo Ciidamada Badda ah,kuwaasoo tababarkooda iyo qalabayntoodaba gacanta lagu hayo xiligan.

Itoobiya oo aanan Bad lahayn,ayay dad badani iswaydiinayaan halka ay Ciidamadasi uga hawlgali doonaan.

Balse waxaa jira qorshayaal qarsoon oo Dowlada Imaaraadka Carabtu dabada ka riixayso,kuwaasoo Xeebaha Somaliya mid ka mid ah gacanta loogu galin doono Itoobiya.

Gaar ahaan waxay xoguhu tilmaamayaan in Dekeda Berbera ee Somaliland ay noqon doonto mida ay ka hawlgali doonaan.

Saldhiga Milatari ee maamulka Somaliland uu la saxiixday Dowlada Imaaraadka Carabta,ayaa noqon doona isaguna fadhiga Ciidamada Badda ee Itoobiya ee dhismaheedu uu socdo.

Ciidamadan oo si xirfad sare leh loo tababarayo,isla markaana qalab casri ah lagu qalabayn doono,ayaa Dowlada imaaraadku waxay ku bixin doontaa dhismahooda 7-Bilyan oo dolar Maraykanka ah.

Ujeedka ugu weyn ee Dowlada Imaaraadku ay ka leedahay dhismahan Ciidankan,ayaa ah in ay ku xakamayso is balaarinta ganacsi ee Shiinaha uu kawado geeska Africa.

Dowlada Fadaraalka ee uu xiligan hogaamiyo Madaxweyne farmaajo,ayay xoguhu sheegayana in ay qayb ka tahay qorshaha oo ay mar horaba saxiixday.

Isku soo wada duuboo shacabka Somaliyed oo aan xiligan wax gacanta ugu jiraa aysan jirin,ayaa aad uga soo horjeeda qorshahan,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka