Faallo:-Muxuu kala soo kulmay Axmed Madoobe Muqdisho?

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo waftigisii ku sugnaa Muqdisho oo dib ugu laabtay kismaayo fadhiga Kmg ah ee Dowlada Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa casuumad ka helay Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Farmaajo,sida lagu sheegya war kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland 24-kii bishii hore.

10-cisho oo uu joogay Muqdisho majirin wax xog ah oo laga hayay qorshihii uu u yimid Axmed Madoobe,oo aan ka ahayn in ay jireen kulamo albaabadu uxirnaayeen oo dhex maray madaxda ugu saraysa Dowlada Fadaraalka.

Xalay xili danbe,ayaa la shaaciyay sawiro iyo muuqaal muujinaya casho sharaf loogu sameeyay Xaafiiska Ra’isalwasaaraha waftigii Jubaland ee uu hogaaminayay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waftiga Jubaland ee xalay cashada ka qaybgalay waxaa ka mid ah ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland iyo Wasiirka arimaha gudaha. iyo Wasiiro kale.

Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo saakay,ayaa markii ugu horaysay saxaafada siiyay war ku saabsan safarkiisii Muqdisho,waxuuna sheegay in guul uu kusoo dhamaaday arimihii laga wada hadlayna laysku afgartay.

Balse Axmed Madoobe,ayaa muujiyay shaki iyo kalsooni xumo oo ka qabo madaxda Dowlada Fadaraalka fulin la’aantooda arimaha lagu heshiiyo.

Dhanka kale ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uusan unoqon socdaalkaas sidii uu rabay,iyadoo Madaxweyne Farmaajo ka gooys adaygay la kulankiisii,inkastoo markii danbe uu dhacay,hasa haatee aysan waxba isku afgaran.

Ra’isalwasaare Khayre iyo Fahad Yaasiin,ayay ahaayeen kuwa dabada ka riixayay wada xaajoodka Axmed Madoobe iyo Dowlada Fadaraalka ah.

Jubalad,ayaa galaysa doorasho Madaxtooyo bisha August ee sanadkan,taasoo uu markale musharax yahay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynenimada Jubbaland waxay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho,iyagoo u badan siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ama xiriir wanaagsan la leh.

Sidoo kale waxaa Muqdisho ku sugan qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee soo xuli lahaa xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland.

Doorashada Madaxtooyada Jubaland,ayaa la sadaalinayaa in uu si weyn ugu guulaysan doono Madaxweyne Axmed Madoobe markale.

Jibril Qoobey.