Wasiir Goodax “Xildhibaanada diiday in maanta amniga laga hadlo waa Al-Shabaab” (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre, ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ayaa si kulul uga hadlay buuqii iyo fowdadii ka dhashay kulankii Baarlamaanka ee maanta looga doodi lahaa arrimaha Amniga, kaddib markii la isku mari waayay in Saxaafadda kulanka goobjoog ka ahaato iyo in dibadda loo saaro.

Wasiir Goodax oo gudaha xarunta Warbaahinta kula hadlay ayaa baaqashada kulanka maanta ku eedeeyay Xildhibaano sida uu sheegay u jooga baarlamaanka Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo aaney dooneyn in dood laga yeesho amniga.

“Waxa diidan in baarlamaanka Soomaaliyeed uu xog-ogaal u noqdo amniga meesha uu marayo waa Shabaab, waa dad Shabaabka u shaqeeyo, waa dad raba inay fariin u diraan Shabaab oo ay yiraahdaan anaa kula jiro” ayuu yiri Goodax.

Mr. Goodax waxa uu dhinaca sheegay in amni darada ka jirta magaalada Muqdisho ay mas’uuul ka yihiin Xildhibaanada dowladda mucaaradka ku ah, kuwaasoo maanta dalbanayay in saxaafada madaxa banaan loo ogolaado inay goobjoog ka ahaato fadhiga.

Daawo.

IDIL NEWS