Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta Su’aalo weydiinaya Madaxda Laamaha ammaanka DF

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxda Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in maanta ay hor-tagaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si wax looga weydiiyo Ammaanka Muqdisho oo sii xumaanaya.

Masuuliyiinta hor-tagaya Xildhibaanada ayaa kala ah Wasiiradda Amniga, Difaaca, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska , NISA iyo xoogga, kuwaas oo dhowaan looga yeeray Baarlamaanka sidda uu horay u sheegay Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa su’aallo weydiin doona Mas’uuliyiinta Laamaha Amniga oo aan wali hortagin baarlamaanka bilooyinkii ugu dambeeyay.

IDIL NEWS